速報APP / 圖書與參考資源 / Murtida Abwaanka

Murtida Abwaanka

價格:免費

更新日期:2017-11-05

檔案大小:24M

目前版本:1.0

版本需求:Android 2.2 以上版本

官方網站:http://www.aasaasweb.com

Email:aasaastechnology@gmail.com

Murtida Abwaanka(圖1)-速報App

Runtii, waxa afkeena shiiqiyay kuwo shisheeye, waxaana lumay milgihii iyo qaayahii murtida Soomaalidu lahayd. Heer ay hal-ku-dhegyadeenii gabaabsi kuba noqdeen addeegsigii bulshada oo iyagu joogteeyay kuwo qalaad. Dhamaana waxaa la hilmaamay ku-halqabsiga weedhihii caan baxay iyo ideyl murtidii duugga ahayd ee dadkeena, taasoo maalinba maalinka xigana ay ereyo qalaad ku soo biirayaan afka-Soomaaliga oo uu sii fasaqmaayo.

Anaguna, arrimahaa is biirsaday awgood waxa aanu daneynay, oo uu isku deygani ka yimid nooleynta mahadhooyinkii suugaameed ee Soomaalida qaarkood si loogu halqabsan karo. Sidaa darteed, kala shaandheyn kadib waxaanu dhiganahan kooban ku uruurinay waaxo ka mid ah suugaantaasi.

Hubaal, murtida suugaan-yahanka Soomaalidu way badan tahay, mana ku soo koobmi karto hal dhigane iyo laba toona, se waxaan rajaynaynaa in ay qormadan koobani si wanaagsan ugu addeegi doonto dadkeena, siyaabaha looga faa’iidaysan karo qormadana waxaa ka mid ah:

Murtida Abwaanka(圖2)-速報App

- In sheekooyinka guud iyo kuwa gaarka ah, ee qaar qoran iyo kuwo hadal ku-gudbaba leh lagu dhex addeegsan karo.

- In dhextaal iyo halqabsi ay hadalka ku qurxistaan u ahaadaan khudbeeyayaasha kala gedisan, goor kasta.

- In lagu kaftamo oo dadku ku sheekaysan karo, Iwm...

Murtida Abwaanka(圖3)-速報App

“Murtidan qaarkood waxa aanu ka soo xiganay mareego dhowr ah, oo iyagu keydiya suugaanta, abbaal weynna aanu u hayno dedaalkooda …”

Murtida Abwaanka(圖4)-速報App